Wacyi / Nejlevnější knihy
Wacyi

Kód: 48663559

Wacyi

Autor Cabdalle Shiiraar Axmed "Kaamil", Dr Ali Mohamed Salah

Baahida ay ummadu u qabto muxaadarooyinka culimada awgeed, waxaan go'aansadey in aan qoro buuggan, oo aan ku ururiyo qaar ka mid ah muxaadarooyinka Sh. Dr Cali Maxamed Saalax. Sheekhu waa mid ka mid ah culimada waqtigooda, naftood ... celý popis

325


Skladem u dodavatele
Odesíláme za 9-15 dnů
Přidat mezi přání

Mohlo by se vám také líbit

Dárkový poukaz: Radost zaručena

Objednat dárkový poukazVíce informací

Více informací o knize Wacyi

Nákupem získáte 33 bodů

Anotace knihy

Baahida ay ummadu u qabto muxaadarooyinka culimada awgeed, waxaan go'aansadey in aan qoro buuggan, oo aan ku ururiyo qaar ka mid ah muxaadarooyinka Sh. Dr Cali Maxamed Saalax. Sheekhu waa mid ka mid ah culimada waqtigooda, naftooda iyo maalkoodaba u huray dacwada iyo cilmiga. Aqoontiisa iyo dacwadiisa ummada ayaa ku kala baahsan baraha bulshada iyo ilaha kale ee maanta dadku aqoonta u raadsadaan. Sidaas darteed, waxaan xil iska saarey in aan ka dhaxal-reebo aqoontiisa qiimaha leh.

Qorshahayguna waa in dhamaan muxaadaraadka uu duubay Dr Cali iyo culimada kaleba, aan ku sameeyo qoraal dhaxal-reeb ah oo faa'ido u noqon kara jiilalka soo socda, Haddii uu Alle ﷻ yiraahdo. Wixii sax ah waxay tahay tawfiiqda Alle ﷻ, wixii khaladanna waa wax ka yimid naftayda iyo sheeydaan.

Dr Sheekh Cali Maxamad Saalax waa aqoonyahan diimeed iyo cilmi baare ku takhasusay diimaha. Wuxuu ka qaatay shahaadada Bachelor-ka Xadiiska iyo Diraasaadka Islaamka Jaamacadda Madiina (1991), Master-ka cilmiga diinta iyo Diraasaadka Islaamka Maka (1994), Doktoraadka Falsafadda iyo Diimaha Is-barbardhiga ah Jaamacadda Qaranka ee Malaysia (2000), iyo Shahaadada Norwegian center for arbitration and legal services (2020).

Buugaagta Ingiriiska ah ee uu qoray waxaa ka mid ah: "Qur'aan: Moral Compass of the Believer", "Evil Eye: Reality and Remedy", "The Shield of Islam", "Domestic Peace", "The Pearls", "Jinn & Black Magic", "10 Stories from the Prophet", iyo "The Abrahamic Paradigm" - dhammaan laga daabacay Looh Press (2023-2024). Buugaagta Carabiga ah ee uu qoray waxaa ka mid ah: "al-Takmiilah fii Taxqiiq Axaadiis min Jamcil Fawaaʾid: Qism al-Tafsiir" (2023) iyo "al-Islaam wal-Diyaanataanii al-Yahuudiyyah wal-Masiixiyyah: Muqaaranaat fii al-Uṣuul al-ʿCaqadiyyah" (2024). Af-Soomaaliga wuxuu ku qoray: "Tiryaaq: Dawada Shubhada-turjumaad" (Yaqiin Press, 2024), "Dawada Nafta" (Looh Press, 2025), iyo qoraallo kale oo badan.

Hadda, Dr. Cali wuxuu ka mid yahay asaasayaasha machadka Iqra Academy, maamulaha Iqra Foundation, waana imaamka markazka Tawfiiq Islaamic Centre.

CABDALLE SHIIRAAR AXMED "KAAMIL" waa bare u dhaqdhaqaaqo arrimaha bulshada, sidoo kale waa mid jecel oo wax ka baadha Xaddaarada Islaamka. Waxa uu heystaa Shahaado Shariicada oo uu ka qaatay Jaamacada Umma University sanadkii 2021. Kaamil waxa uu kamid yahay aas'aasayaasha Najaat Daawa awareness organization. Sidoo kale waa Aas'aasaha iyo maamulaha Markazka Kaamil Educational Center.

Parametry knihy

Zařazení knihy Knihy v němčině Geisteswissenschaften, Kunst, Musik Religion/Theologie Religiöse Schriften, Gebete, Gesangbücher, relig. Meditationen

325

Oblíbené z jiného soudku



Osobní odběr Praha, Brno a 46870 dalších

Copyright ©2008-26 nejlevnejsi-knihy.cz Všechna práva vyhrazenaSoukromíCookies


Můj účet: Přihlásit se
Všechny knihy světa na jednom místě. Navíc za skvělé ceny.

Nákupní košík ( prázdný )

Vyzvednutí v Balikovně a PPL
boxech
zdarma nad 1 499 Kč.

Nacházíte se: